Goolhayaha Arsenal David Raya ayaa la wadaagay aragtidiisa quruxda badan ee ugu horeysay ee saaxiibkiis Riccardo Calafiori, isagoo amaanay 22 jirkaan.
“Waa qof fiican, xiddig da’yar ah oo guul u gaajaysan”ayuu Raya yidhi.
“Marka la eego kubada cagta, waa ciyaaryahan weyn oo mustaqbal fiican leh, waxa uu ciyaari karaa daafaca bidix, daafaca dhexe ee bidix…aragtigii ugu horeeyay waxa uu ahaa mid aad iyo aad u wanaagsan”.
Raya waxa kale oo uu iftiimiyay awoodda Calafiori iyo sida uu diyaarka ugu yahay in uu naftiisa dhibaato u galiyo si uu u caawiyo kooxda isaga oo bar-bar dhigay mishiinka dharka lagu dhaqo.
“Wuxuu madaxa gelinayaa mishiinka dharka lagu dhaqo hadii aad fahmayso waxa aan ka wado”.
“Laakiin waxa ugu weyn ayaa ah in uu yahay qof fiican sidoo kale ciyaartoy fiican”.
Be the first to comment