Chelsea Oo Calaamadsatay Badalka Cucurella

Kooxda Chelsea ayaa ka mid ah kooxo dhowr ah oo xiisaynaya daafaca bidix ee Bayer Leverkusen, Alejandro Grimaldo.

Sida ay warinayso Fussballdaten, daafacan khibradda leh ayaa doonaya inuu helo hal wareejin oo weyn oo ugu dambaysa xirfaddiisa.

Maadaama uu heshiiskiisa uga harsan yahay hal sano oo keliya, Bayer Leverkusen ayaa laga yaabaa inay oggolaato inuu baxo qiimo ku dhow £17 milyan.

Chelsea waxay Grimaldo u arki kartaa beddel ku-meel-gaar ah oo lagu buuxiyo booska Marc Cucurella haddii uu kooxda ka tago xagaagan.

Chelsea ayaa Grimaldo u aragta badalka Cucurella kaas oo ka tagay kooxda kuna biiray Real Madrid suuqa xagaaga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga