Sancho, Saka Neto, Son, Solanke, De Zerbi, Lukaku & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh.

Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Tottenham ayaa bilawday inay kala hadasho kabtan Son Heung-min heshiis cusub waxayna kalsooni ku qabtaa in heshiis ay la gasho weeraryahanka South Korea, oo 31 jir ah, la dhamaystiri doono xagaaga (Football Insider).

Arsenal, Manchester United, Newcastle iyo Chelsea ayaa dhamaantood xiiso u muujinaya daafaca bidix ee kooxda Borussia Monchengladbach Luca Netz (HITC).

Kooxaha Saudi Pro League ayaa diyaar u ah inay u soo bandhigaan in ka badan 100 milyan oo euro  si ay ula soo saxiixdaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Belgium Kevin De Bruyne, oo 32 jir ah, kana tirsan Manchester City (Football Insider).

Bayern Munich ayaa liiska tababarayaasha Brighton ee Roberto de Zerbi ku dartay liiska tababarayaasha badali kara Thomas Tuchel dhamaadka xili ciyaareed kaan laakiin tababaraha Bayer Leverkusen Xabi Alonso oo ay sidoo kale doonayso Liverpool ayaa wali ah dooqa kowaad ee kooxda (Mirror).

Chelsea ayaa diyaar u ah inay aqbasho dalabka Roma ee Romelu Lukaku, oo 30 jir ah, kaasoo ka hooseeya 37 milyan oo euro si ay u fasaxaan xiddiga reer Belguim (Calcio Mercato).

Gunners iyo Newcastle United ayaa xiiseynaya daafaca dhexe ee kooxda Sporting Lisbon Ousmane Diomande laakiin labada kooxood ayaa sugaya in Chelsea ay dalab 69 milyan ginni ah ka gudbiso 20 jirka reer Ivory Coast (TeamTalk).

Kooxda PSG ayaa diyaar u ah in ay wax walba u samayso saxiixa xiddiga  Bukayo Saka si ay ugu badasho Kylian Mbappe (Fichajes).

Kooxda PSG ayaa xiddiga Arsenal ee Oleksandr Zinchenko u calaamadsatay badalka Alphonso Davies (FootballTransfers).

Kooxda Dortmund ayaan si toos ah ula wareegi doonin xiddiga garabka ka ciyaara ee Jadon Sancho (HITC).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga