Bayern Munich Vs Arsenal? Arsene Wenger Oo Saadaaliyay Kulanka Labada Kooxood Ee Champions League.

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ayaa saadaaliyay in ay Arsenal ka gudbi doonto Bayern Munich una gudbi doonto Semi-final-ka tartanka Champions League xilli ciyaareedka.

Gunners ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo bar-baro la galay Bayern Munich kulankii lugta hore.

Bayern Munich ayaa haysata rikoodh fiican oo tartanka ah laakiin Wenger ayaa sheegay in ay kooxdiisii hore ka faa’iidaysan doonto joogtayn la’aanta kooxda Bayern Munich ee xilli ciyaareedkan.

Markii ugu horeysay tan iyo 2011, Bayern Munich ayaa ku guuldareysatay inay ku guuleysato Bundesliga xilli ciyaareedkan, iyadoo Bayer Leverkusen ay ku guuleysatay horyaalka isbuucaan.

Isagoo eegaya kulanka Wenger ayaa ka sheegay beIN SPORTS:”Arsenal kulanka Bayern Munich waa ciyaar 50-50 ah”.

“Bayern Haatan waxa ay leedahay dal-dalool marka ay ku ciyaarayso garoonkeeda, waxa ay guuldaro kala kulmeen Dortmund waxana aan qabaa in ay Arsenal dhaafi karto Bayern”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga