Arsenal Oo Xaalad Adag Ku Galaysa Kulanka North London Derby.

Premier League ayaa soo saaray jadwalka Premier League iyada oo kooxda Arsenal wajahayso xaalad adag iyo kulamo Adag.

Mid ka mid ah Kulamada la badalay ayaa noqon doona kulanka North London Derby ee u dhexeeya kooxaha Arsenal iyo Tottenham.

Labada kooxood ayaa u kala tartamaya ujeedooyin kala duwan iyada oo Arsenal ku raad joogto Premier Legaue halka ay Tottenham raadinayso boosaska champions League.

Laakiin ka hor kulankooda labada kooxood ayaa ku kala jiri doona laba xaaladood taas oo saamayn karta kulanka.

Tottenham ayaa 15 maalmood nasan doonta ka hor kulanka North London Derbyka halka ay Arsenal 4 kulan ciyaari doonto wakhtigaas ay Tottenham nasanayso.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga