Wakiilka Bruno Guimarães Oo Fariin U Diray Arsenal.

Wakiilka Bruno Guimarães, Alexis Malavolta, ayaa soo dhigay fariin qarsoodi u muuqata baraha bulshada, xilli Arsenal ay sii xoojisay dadaalkeeda ay ku doonayso khadka dhexe ee Newcastle United.

Wararka ka imanaya London ayaa sheegaya in Arsenal ay diyaarinayso dalab gaaraya £70 milyan si ay ula soo saxiixato Guimarães.

Si kastaba ha ahaatee, ilo ku dhow Newcastle ayaa sheegay in Arsenal aysan wax fursad ah u lahayn inay ku hesho Guimarães lacag ku dhow £70 milyan, iyagoo arrintaas ku tilmaamay “mid aan suuragal ahayn.”

Wararka la xiriira mustaqbalka Guimarães ayaa sii xoogeystay kadib markii Newcastle ay la soo saxiixatay da’yarka Aladji Bamba oo ka yimid Monaco, balse waxaa la rumeysan yahay inuusan u imaanin inuu si toos ah u beddelo Guimarães.

Sida ay hore u sheegtay ChronicleLive, Guimarães iyo wakiilladiisu ma aysan gudbin codsi rasmi ah oo ay ku dalbanayaan bixitaan, waxaana ciyaaryahanka heshiis uga harsan Newcastle ugu yaraan laba sano.

Khamiistii, wakiilka Guimarães, Alexis Malavolta, ayaa bartiisa Instagram-ka ku soo daabacay sawir isaga oo taagan afka hore ee doon, eegayana bad buluug ah oo aan goobteeda la shaacin.

Sawirka waxaa la socday hal qoraal oo keliya:

“Always working” (“Mar walba waan shaqeynayaa.”)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga