Lama Filaan: Caqabad Cusub oo Soo Wajahday Heshiiska Yan Diomande iyo Real Madrid

Wadahadallada u dhexeeya Real Madrid iyo RB Leipzig ee ku saabsan saxiixa xiddiga reer Ivory Coast Yan Diomande ayaa weli socda, iyadoo aan ilaa hadda la gaarin heshiis rasmi ah.

Inkastoo warar hore ay sheegayeen in Real Madrid ay heshiiska soo gabagabeysay, weriyaha Florian Plettenberg ee Sky Germany ayaa xaqiijiyay in kulankii ugu dambeeyay ee labada dhinac yeesheen maanta uusan kasoo bixin heshiis kama dambeys ah.

Sida wararku sheegayaan, wada-hadallada ayaa dib u sii socon doona subaxda berri, haddii aysan dhicin wax isbeddel degdeg ah ka hor saqda dhexe ee caawa.

Dhanka kale, Yan Diomande ayaa maanta tababar la qaatay kooxda RB Leipzig, balse waxaa loo sameeyay tababar culayskiisu yar yahay si looga fogaado dhaawac kasta oo halis gelin kara heshiiska la filayo.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiska ayaan burburin, waxaana la sheegay in Real Madrid ay si xooggan u riixeyso in saxiixa la dhammeystiro toddobaadkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga