WAR CULUS Martínez iyo Mac Allister oo adkeeyay ammaanka guryahooda kadib Cabsi weyn oo lasoo deristay

Labada xiddig ee Argentina, Lisandro Martínez iyo Alexis Mac Allister, ayaa la sheegay inay qorteen shirkado amni oo gaar loo leeyahay si ay u ilaaliyaan guryahooda ku yaalla waqooyi-galbeed England, kadib markii Argentina ay 2-1 kaga adkaatay England ciyaartii nus-dhamaadka Koobka Adduunka 2026.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka gaarka loo leeyahay ay laba maalmood ku sugnaayeen guryaha daafaca Manchester United ee Lisandro Martínez iyo khadka dhexe ee Liverpool Alexis Mac Allister, xilli ay sare u kacday xiisadda ka dhalatay guuldarradii England.

Intii lagu jiray dabaaldegga guusha, Martínez ayaa watay boorar ay ku qornaayeen “Jasiiradaha Falkland waa dhul Argentine ah”, halka Mac Allister uu isna ka ag dhawaa. Boorarkan ayaa dhaliyay hadal-heyn maadaama muranka Jasiiradaha Falkland uu weli ka dhexeeyo Argentina iyo Britain.

Sidoo kale, ciyaartoyda Cristian Romero iyo Giovani Lo Celso ayaa lagu arkay iyagoo sita boorarkaasi xilliga dabaaldegga.

Inkasta oo laga cabsi qabay falal aargoosi ah, haddana lama soo sheegin isku day lagu waxyeelleeyay guryaha Martínez ama Mac Allister. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in Manchester United aysan wax door ah ku lahayn diyaarinta ammaanka guriga Martínez.

Warbixintu waxay xustay in tallaabadan ammaana lagu xoojiyay ay la xiriirto dhacdooyin hore oo England ka dhacay, sida markii sawirka darbiga ee Marcus Rashford lagu dhaawacay magaalada Manchester kadib rigooradii uu qasaariyay finalkii Euro 2021.

Lisandro Martínez ayaa tan iyo markii uu ku biiray Manchester United sanadkii 2022 noqday mid ay si weyn u taageeraan taageerayaasha kooxda, kuwaas oo marar badan ku heesa magaca Argentina. Sidoo kale, markii Argentina ku guuleysatay Koobka Adduunka 2022, taageerayaasha United waxay garoonka Old Trafford ku soo dhaweeyeen Martínez iyagoo lulaya calanka Argentina.

Dhanka Alexis Mac Allister, taageerayaashii kooxda Brighton oo uu markaas u ciyaarayay ayaa sidoo kale si weyn u maamuusay guushii Argentina ee Koobka Adduunka 2022, iyagoo sameeyay boorar gaar ah oo lagu sharfayay xiddiga reer Argentina.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga