Kooxda Liverpool ayaa la sheegay inay si weyn u danaynayso laacibka garabka uga ciyaara Athletic Bilbao, Nico Williams, inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Xiddiga reer Spain ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu hibada badan Yurub, waxaana qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah uu soo jiitay indhaha Liverpool, oo doonaysa inay xoojiso safkeeda weerarka kahor bilowga xilli ciyaareedka cusub.
Si kastaba ha ahaatee, heshiiska Nico Williams ayaa waxaa ku jira qodob lagu burburin karo oo gaaraya £77 milyan, taas oo ka dhigan in koox kasta oo doonaysa saxiixiisa ay bixin karto lacagtaas si ay ula soo wareegto.
Ilaa iyo hadda ma jiro dalab rasmi ah oo ay Liverpool u gudbisay Athletic Bilbao, balse wararku waxay tilmaamayaan in kooxda Merseyside ay si dhow ula socoto xaaladda ciyaaryahanka, iyadoo qiimeynaysa tallaabada xigta ee ay qaadi doonto.
Be the first to comment