Suxufiga caanka ah ee suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in Jordan Henderson uu ku biirayo Chelsea, isagoo ku dhawaaqay ereygiisa caanka ah ee “Here We Go!”
Kabtankii hore ee Liverpool ayaa heshiis labo sano ah la gaaray Chelsea, waxaana uu qalinka ku duugi doonaa qandaraas soconaya ilaa Juun 2028.

Henderson ayaa ka tagay Brentford, kaddib markii labada dhinac ay ku heshiiyeen in la soo afjaro qandaraaskiisa, taasoo u sahleysa inuu si xor ah ugu biiro kooxda reer London.
Chelsea ayaa hadda diyaarineysa soo dhaweynta khadka dhexe ee khibradda badan, iyadoo saxiixiisa rasmiga ah iyo dhammeystirka dukumentiyada la filayo inay dhacaan toddobaadkan.
Warkan ayaa ahaa mid uu Fabrizio Romano si gaar ah u shaaciyay maalintii Isniinta, waxaana hadda uu xaqiijiyay inuu heshiisku si buuxda u dhammaaday.
Be the first to comment