WAA TAN CADEYN :- Maku haboonyahay Youri Tielemans Manchester United?

Kadib sanado badan oo ay seegtay fursado ay kula soo saxiixan lahayd Youri Tielemans, Manchester United ayaa ugu dambeyn hirgelisay qodobka lagu burburin karo heshiiskiisa oo dhan £35 milyan, iyadoo la filayo inuu noqdo beddelka khadka dhexe ee Casemiro.

United ayaa markii ugu horreysay fursad u heshay Tielemans sanadkii 2019, xilli mustaqbalka Paul Pogba uu shaki ku jiray mustaqbalkiisa,  Tielemans ayaa diyaar u ahaa inuu ku biiro Old Trafford, balse markii Pogba uu go’aansaday inuu sii joogo kooxda, ciyaaryahanka reer Belgium wuxuu doortay inuu si rasmi ah ugu biiro Leicester City, maadaama uusan dooneyn inuu noqdo kaydka Pogba.

Sanadkii 2022, magaca Tielemans ayaa mar kale miiska saarnaa Manchester United, tababarihii markaas, Erik ten Hag, ayaa u arkayay ciyaaryahan wanaagsan, balse wuxuu doorbiday inuu la soo saxiixdo Christian Eriksen isagoo lacag la’aan ah, isla markaana si xooggan u raadiyay Frenkie de Jong, markii heshiiska De Jong uu fashilmay, United waxay ugu dambeyn bixisay £60 milyan si ay ula soo wareegto Casemiro.

Fursad saddexaad ayaa timid sanadkii 2023, markii Tielemans uu xor ka noqday Leicester City, balse Manchester United waxay dooratay inay la soo saxiixato Mason Mount, halka Tielemans uu ku biiray Aston Villa.

Hadda, Manchester United waxay rumeysan tahay in Tielemans yahay ciyaaryahanka ugu habboon ee buuxin kara booska Casemiro, maadaama qaab ciyaareedkiisu uu aad ugu egyahay kan xiddiga reer Brazil.

Xilli ciyaareedkii hore, Casemiro wuxuu ahaa mid ka mid ah khadka dhexe ee ugu wanaagsan Premier League dhanka kubad ka soo celinta iyo joojinta weerarrada. Isla markaana wuxuu ahaa ciyaaryahan si deggan kubadda u maamula, awoodna u leh inuu baasas toos ah u diro ciyaartoyda weerarka.

Tirakoobyada ayaa muujinaya in Tielemans uu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu dhow qaabka Casemiro ee shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub, Wuxuu sameeyay 10.5 kubad ka soo celin ah, 1,000 taabasho kasta oo ay sameeyaan kooxaha ka soo horjeeda, isagoo galay kaalinta lixaad ee khadka dhexe ee Premier League, halka Casemiro uu hoggaaminayay liiska.

Markii uu joogay Aston Villa, Tielemans wuxuu cadeeyay inuu weli leeyahay awood sare, isagoo bilaabay 52 kulan 53-kii uu saftay xilli ciyaareedkii 2024/25, inkastoo uu dhaawacyo canqow iyo kubka ah soo maray.

Mid ka mid ah awoodihiisa ugu waaweyn waa baasaska lagu jebiyo khadka difaaca, Xilli ciyaareedkii hore wuxuu ahaa ciyaaryahankii ugu horreeyay Premier League ee dhanka baasaska jebiya safafka difaaca, isagoo ka horreeyay xitaa Bruno Fernandes iyo Casemiro.

Waxaa sidoo kale la filayaa in imaanshihiisu uu xorriyad dheeraad ah siin doono Bruno Fernandes si uu ugu ciyaaro boosaska weerarka, halkii lagu khasbi lahaa inuu dib ugu soo laabto khadka dhexe si uu kubadda u dhiso.

Intii uu joogay Aston Villa, Tielemans wuxuu xiriir fiican la sameeyay Morgan Rogers, isagoo u dhiibay 40 baas oo jebiyay khadka difaaca xilli ciyaareedkii hore, taasoo muujineysa awooddiisa hal-abuurka iyo aragtida ciyaarta.

Inkastoo Tielemans uu leeyahay tayo badan, haddana falanqayntu waxay tilmaamaysaa inuu inta badan ugu fiican yahay marka uu garab joogo khad dhexe oo difaac ahaan xooggan sida Boubacar Kamara ama Amadou Onana. Sidaas darteed, haddii uu la ciyaaro Kobbie Mainoo, waxaa laga yaabaa in culeys badan uu ka saarnaado shaqada difaaca.

Si kastaba ha ahaatee, haddii Andrey Santos uu kooxda ku soo biiray , wuxuu fududeyn karaa shaqada Tielemans, isagoo u oggolaanaya inuu si xor ah u maamulo kubadda una abuuro fursado weerar.

Guud ahaan, Manchester United waxay aaminsan tahay in Youri Tielemans yahay mid ka mid ah saxiixyada ugu ammaansan suuqa xagaagan, maadaama uu leeyahay khibrad Premier League, waayo-aragnimo tartamada Yurub ah, isla markaana qaab ciyaareedkiisu si dabiici ah ugu habboon yahay baahida kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga