Kooxda Real Madrid ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah ula xiriirtay Manchester City si ay uga wada hadlaan suurtagalnimada saxiixa khadka dhexe ee reer Spain Rodri.
Wararka ayaa sheegaya in wada-xaajoodyadii ugu horreeyay ay durba bilowdeen, iyadoo labada kooxood ay yeesheen wada-hadallo afka ah oo ku saabsan heshiiska suurtagalka ah.
Madaxweynaha Real Madrid, Florentino Pérez, ayaa la sheegay inuu siiyay oggolaansho buuxa in kooxda ay u dhaqaaqdo saxiixa Rodri, kaddib bilo badan oo albaabadu u xirnaayeen wada-hadallada.

Real Madrid ayaa sidoo kale muujisay inay diyaar u tahay inay bixiso in ka badan €50 milyan si ay ula soo wareegto xiddiga 30 jirka ah, kaas oo loo arko mid ka mid ah khadka dhexe ee ugu wanaagsan dunida.
Si kastaba ha ahaatee, lama oga weli sida ay Manchester City uga falcelin doonto dalabkaas, maadaama Rodri uu weli ka mid yahay ciyaartoyda ugu muhiimsan ee kooxda Macalin Enzo Marescca.
Be the first to comment