Michael OwenMichael Owen: Arsenal Ayaa Ku Guulaysan Doonta Horyaalka Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah.

Isagoo la hadlaya Optus Sport, Michael Owen ayaa yidhi: “waxa mar walba la inoo sheegaa in kooxda ugu fiican ku guulaysan doonto premier League, mar walba waa naloo sheegaa”.

“Hagaag, haddii qof uu sanadkan ku guuleysto farqiga goolasha ama dhibic, ma waxaan dhahnaa waa kuwa ugu fiican, uma maleynayo in kooxda ugu fiican ay ku guuleysan doonto sanadkan”.

“Waxaan qabaa in kooxda ugu fiican ay tahay Manchester City, waxaan filayaa in kooxda ugu xiisaha badan ee la daawado ay tahay Liverpool, laakiin kooxda ugu fiican sanadihii ugu dambeeyay waa Man City”.

“Laakiin qasab maaha inay kooxda ugu fiican ku guulaysan doonto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan”.

“Waxa aan qabaa in ay Arsenal ku guulaysan doonto horyaalka”ayuu sii raaciyay.

Arsenal ayaa gashay fasaxii ugu horeeyay ee ciyaaraha caalamiga ah ee sanadkan iyada oo fadhisa kaalinta kowaad ee kala saraynta iyaga oo uga mahad celinaya bar-barihii 1/1 ahaa ee ay Liverpool la gashay Man City”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga