Kabtanka xulka Argentina Lionel Messi wuxuu xaq u lahaa inuu u ciyaaro hal dal oo kale ka hor intii aanu si rasmi ah ugu xidhmin xulka qaranka Argentina.
Messi wuxuu u ciyaaray Argentina Koobkii Adduunka ee 2026 xagaagan, hase yeeshee jihada xirfaddiisa caalamiga ah waxay noqon kartay mid gebi ahaanba ka duwan.
Baadhitaan cusub ayaa daaha ka qaaday in Messi uu xaq u lahaa inuu u ciyaaro xulka ay sida weyn u xafiiltamaan Argentina ee Brazil.
Baadhitaan dhammaystiran oo socday saddex sano, kaas oo uu sameeyay cilmi-baare Talyaani ah oo lagu magacaabo Fiorenzo Santini, ayaa soo bandhigay xog xiiso leh oo ku saabsan asal ahaan qoyska ku guuleystaha siddeedda jeer ee Ballon d’Or.
Sida lagu daabacay warbixinta Globo (oo ay soo xigatay Yahoo Sports), Lionel Messi wuxuu dhinaca hooyadii ka leeyahay asal u oggolaan lahaa inuu matalo xulka qaranka Brazil.
Baadhitaanku wuxuu muujinayaa in mid ka mid ah awoowayaashiisii dhinaca hooyada (awoowga weyn) uu ku dhashay magaalada Ribeirão Preto, oo ku taalla gudaha gobolka São Paulo, bilowgii qarnigii 20-aad.
Qoyskaasi ayaa markii dambe u haajiray Argentina qiyaastii sannadkii 1905, halkaas oo ay saldhig uga dhigteen noloshooda, taas oo markii dambe abuurtay xidhiidhka Messi la yeeshay Argentina.
Baadhitaanku wuxuu kaloo xusay isbeddel yar oo ku yimid magaca qoyska. Markii ay degeen magaalada Rosario, magaca qoyska ee dhinaca hooyada oo markii hore ahaa Coccettini ayaa si rasmi ah loogu diiwaangeliyey Cuccittini, waana magaca uu Messi maanta isticmaalo.
Messi wuxuu si buuxda isu taagay ciyaaryahankii ugu weynaa taariikhda Argentina, isagoo dalkiisa ku hoggaamiyay:
- Hal Koob Adduun (World Cup)
- Laba Copa América
- Hal Copa Finalissima
- Hal billad dahab ah oo Olombikada ah
Sidoo kale, wuxuu yahay gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Argentina, isagoo dhaliyay 125 gool isla markaana saftay 207 kulan.
39-jirkan ayaa bandhig cajiib ah ka sameeyay Koobkii Adduunka ee 2026, isagoo dhaliyay 8 gool isla markaana bixiyay 4 caawin (assists) 8 kulan oo uu ciyaaray.
Be the first to comment