Kooxda Real Madrid ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay ee ay ku doonayso saxiixa xiddiga da’da yar ee Yan Diomandé, iyadoo dalab rasmi ah u dirtay kooxda RB Leipzig.
Wararka ayaa sheegaya in wada-hadallo toos ah ay toddobaadkan u bilowdeen labada kooxood, si looga heshiiyo qiimaha iyo shuruudaha heshiiska. Wadahadallada ayaa weli socda, waxaana labada dhinac ay ka shaqeynayaan sidii loo gaari lahaa is-afgarad.
Intaa waxaa dheer, Real Madrid waxay sidoo kale xiriir la furtay wakiillada ciyaaryahanka, iyadoo laga wada hadlayo heshiiska shaqsiga ah iyo shuruudaha uu ku biiri karo kooxda reer Spain.
Inkastoo aan weli heshiis rasmi ah la gaarin, haddana wadaxaajoodyadu way socdaan, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay soo baxaan warar dheeraad ah oo ku saabsan mustaqbalka Yan Diomandé.
Be the first to comment