Arsenal Oo Xaqiijisay Lambarka Uu Christos Tzolis U Xidhan Doono Kooxda.

Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah u shaacisay lambarka maaliyadda ee uu xiran doono saxiixeeda cusub Christos Tzolis, kadib markii uu ku biiray horyaalka Ingiriiska difaacanaya.

Arsenal ayaa Khamiistii ku dhawaaqday inay la soo saxiixatay weeraryahanka 24 jirka ah, kaas oo uga yimid kooxda Club Brugge.

Intii uu joogay Club Brugge, Tzolis wuxuu saftay 108 kulan tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay 43 gool isla markaana bixiyay 45 caawin (assist).

Xilli ciyaareedka cusub, Christos Tzolis wuxuu xiran doonaa lambarka 17-aad ee Arsenal.

Weeraryahanka ayaa durba ku biiray saaxiibbadiisa cusub xarunta tababarka ee Sobha Realty Training Centre, halkaas oo ay uga socdaan diyaar-garowga xilli ciyaareedka cusub.

Agaasimaha Isboortiga ee Arsenal, Andrea Berta, ayaa yiri:

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan dhamaystirno saxiixa Christos Tzolis.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga