BOOOM :- Khilaafka Mauro Icardi iyo Wanda Nara oo mar kale cirka isku shareeray kadib go’aan maxkamadeed

Khilaafka u dhexeeya weeraryahanka reer Argentina Mauro Icardi iyo xaaskiisii hore Wanda Nara ayaa mar kale cirka isku shareeray, kaddib markii Icardi uu shaaciyay inuu guul cusub ka gaaray dacwadda furriinka ee ka socota dalka Talyaaniga. Xiddiga ayaa bartiisa Instagram ku sheegay in maxkamadda Talyaaniga ay diidday dalab ay Wanda ku doonaysay inuu siiyo 480,000 oo Yuuro bishii.

Sida uu sheegay Icardi, Wanda Nara waxay codsatay 250,000 oo Yuuro bishii oo iyada loogu talagalay, 130,000 oo Yuuro bishii oo loogu talagalay masruufka labada gabdhood ee ay wada dhaleen, iyo 100,000 oo Yuuro bishii oo la xiriirta habraaca furriinka. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in maxkamaddu gebi ahaanba diidday dalabaadkaas.

Wanda Nara ayaa si degdeg ah uga jawaabtay go’aankaas, iyadoo sheegtay in lacagta masruufka aan weli si rasmi ah loo go’aamin, isla markaana xukunka kama dambaysta ah lagu soo saari doono marka dacwadda furriinka la soo gabagabeeyo. Waxay sidoo kale si kulul u weerartay Icardi iyadoo ku tiri, “Anigu waan shaqeeyaa, adiguna shaqo ma lihid. Marka hore koox  hel oo ciyaar, kadibna gudo waajibaadkaaga aabbenimo.”

Intaas kuma aysan ekaan eedeymaheeda, waxayna ku andacootay in Icardi uu ka hor istaagay labada gabdhood inay dib ugu laabtaan Argentina, halkaas oo ay doonayeen inay ku noqdaan iskuulkooda iyo qoyskooda. Sida ay sheegtay, arrintaasi waxay carruurta ku haysaa cadaadis, xanuun iyo dhibaato nafsi ah.

Dhinaciisa, Icardi ayaa sii huriyay hadallada is dhaafsiga ah isagoo saacado kadib soo dhigay sawir uu ku fadhiyo carshi dul yaalla looxka ciyaarta shaxda (Chess), halka dhammaan qaybihii kale ay dhulka yaalleen marka laga reebo boqorka. Sawirkaas ayuu ku lifaaqay fariin uu ku yiri, “Boqorku lama murmo askarta, ee wuxuu sii wadaa horumarka. Ha rogrogin looxka ciyaarta, weli ciyaartu ma dhammaan.” Fariintan ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan, iyadoo dad badan ay u fasirteen inuu si dadban ula hadlayo Ana Rosenfeld, oo hore u ahayd qareenka iyo saaxiibka Wanda Nara.

Go’aanka maxkamadda rafcaanka ee magaalada Milano ayaa sidoo kale lagu diiday rafcaankii ay Wanda Nara ka qaadatay habraaca furriinka, iyadoo la caddeeyay in dalabkeedii magdhowga dhaqaale uusan waafaqsanayn sharciga. Waxaa intaas dheer in maxkamaddu ku amartay Wanda inay bixiso 3,500 oo Yuuro, taas oo ah kharashaadka dacwadda iyo lacagaha qareennada ee Mauro Icardi.

Khilaafka u dhexeeya Mauro Icardi iyo Wanda Nara ayaa sidaas ku sii socda, isagoo weli ka socda gudaha maxkamadaha iyo baraha bulshada, waxaana uu noqday mid ka mid ah dacwadaha furriinka ee ugu hadal-haynta badan dunida ciyaaraha iyo madadaalada.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga