Arsenal Oo Taariikh Samaynaysa Kulanka Real Madrid.

Arsenal ayaa laga yaabaa inay gaarto guul aan horay loo arag Champions League marka ay Real Madrid kula ciyaarayaan Bernabeu.

Kooxda Mikel Arteta ayaa ku wajahan caasimadda Spain sideed maalmood ka dib markii ay kooxda heysata horyaalka Yurub cashar kubbadda cagta ah u Dhigeen iyaga oo ku garaacay 3/0.

Laba gool oo uu dhaliyay Rice iyo gool uu dhaliyay Merino ayaa Arsenal ku Hor seeday in ay ku badiso 3/0.

Laakiin Arsenal ayaa wajahaysa shaqo adag oo ah in ay natiijo fiican kala Soo baxdo garoonka Bernabeu.

Gunners Ayaa ku laabanaysa garoonka cabsida leh ee Bernabeu 19 sano ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen 2005-06 wareega 16-ka, halkaasoo uu dhaliyay goolkii Thierry Henry.

Iyaga oo uga mahadcelinaya natiijadii Todobaadkii hore Arsenal ayaan wax guuldaro ah kala kulmin Real Madrid tartanka Champions League Halka aan waligeee gool Laga dhalin kulan ay la ciyaarayso Real Madrid.

Hadii ay Arsenal shabaqeeda ka ilaashato Real Madrid kulanka Arbacada waxa ay noqon doonta kooxdiisa ugu horaysay ee Taariikh Champions League 4 kulan shabaqeeda ka ilaashata Real Madrid.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga