Arsenal Oo Galaysa Jadwal Mashquul Ah Kadib Is Badalka Lagu Sameeyay Premier Legaue.

Arsenal ayaa wajaheysa in ay ciyaarto 10 kulan muddo bil gudeheed ah ka dib markii Premier League uu xaqiijiyay isbedel weyn oo ku yimid jadwalka Gunners.

Kooxda Arteta ayaa gashay fasaxa xulalka iyaga oo hogaaminaya horyaalka kadib markii ay 8 kulan oo xidhiidh ah badiyeen horyaalka premier League.

Waxa la galayaa labadii bilood ee ugu dambaysay horyaalka premier League kadib fasaxa xulalka iyaga oo ku dagaalami doona sidii ay ugu guulaysan lahaayeen horyaalka.

Arsenal ayaa dib ugu soo laabanaysa Axada soo socota kulanka ay Manchester City kula ciyaari doonto Etihad kaas oo bilaabmi doona kulamo aad u adag.

Arteta waxay martigelin doonaan Luton seddex maalmood ka dib safarkooda Etihad ka hor inta aysan aadin xeebta koonfureed ciyaar ka dhici doonta Brighton fiidka Sabtida.

Bayern ayaa kadib soo booqan doonta Emirates 9 bisha iyada oo lugta 2-aad la ciyaari doono 8 maalin kadib kulankaas waxana u dhexeeya kulan ay la ciyaari doonto Aston Villa.

Hadii ay Arsenal ka gudubto Bayern Munich waxa ay midkood la ciyaari doontaa City ama Real Madrid sidaas darteed waxa ay wajahaysaa in ay 10 maalin gudohood ku ciyaarto 4 kulan inta u dhexaysa 20 April ilaa 30 April.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga