Arsenal Mise Man City? Petr Čech Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League.

Ciyaaryahankii hore ee goolhayaha Petr Čech, oo u soo ciyaaray Arsenal iyo Chelsea, ayaa sheegay in tartanka horyaalka Premier League uu aad u furan yahay oo u dhexeeya Arsenal iyo Manchester City.

Čech wuxuu yiri tartanku hadda wuxuu u egyahay “xilli ciyaareed cusub” sababtoo ah waxaa haray dhowr kulan oo go’aamin doona cidda qaadaysa horyaalka.

Wuxuu sheegay:“Waa 50/50 weli. Waxaa haray shan kulan, haddii aadan wada badin, horyaalka ma hubtid. Waxay ku xirnaan doontaa kooxda sii haysata qaab ciyaareed fiican iyo tan maskax ahaan u adkaysata cadaadiska.”

Čech ayaa si gaar ah u xusay muhiimada dhinaca maskaxda, isagoo sheegay:“Cadaadiska ayaa kala saara ciyaartoyda iyo kooxaha. Qofka awooda inuu si fiican u ciyaaro marka cadaadis jiro ayaa guuleysta. Dhinaca maskaxda waa qaybta ugu weyn ee ciyaaraha.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga