Tababarihii hore ee Newcastle United, Alan Pardew, ayaa saadaaliyay in Manchester City ay ka adkaan doonto Chelsea marka ay ku kulmaan final-ka FA Cup bisha soo socota.
Chelsea iyo Manchester City ayaa gaaray final-ka FA Cup kadib markii ay kala garaaceen Leeds United iyo Southampton semi-final-kii la ciyaaray usbuucii dhammaaday.
Markii la weydiiyay haddii Chelsea ay ka adkaan karto kooxda Pep Guardiola, Pardew wuxuu u sheegay talkSPORT:
“Uma maleynayo, maya”
“Markaad eegto Manchester City ciyaartii ay la ciyaareen Southampton, waxay ku jiraan qaab ciyaareed aad u fiican, weeraryahanadooduna waa kuwo kulul (form fiican ku jira), Pep Guardiola-na wuxuu kursiga keydka ka haystaa xulashooyin badan oo awood leh.”
Final-ka FA Cup-ka ayaa ka dhici doona Wembley Stadium taariikhdu markay tahay 16-ka May.
Be the first to comment