Arsenal Mise Liverpool?  Kyle Walker Oo Doortay Kooxda Uu Doonayo In Ay Ku Guulaysato Premier League, Sabab.

Xiddiga daafaca uga ciyaara Man City ee Kyle Walker ayaa sheegay ama magacaabay kooxda uu jeclaan lahaa in ay ku guulaysato premier League.

Kooxaha Arsenal, Man City Liverpool ayaa ku tartamaya horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyada oo tartanku yahay mid 3 geesood ah.

Xiddiga Kyle Walker ayaa doorbidaya in ay Liverpool ku guulaysato horyaalka hadii ayna kooxdiisa Man City ku guulaysan horyaalka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga kooxda Man City ee Kyle Walker Ayaa sheegay in uu jecelaan lahaa in ay Liverpool ku guulaysato premier League halkii ay Arsenal ku guulaysan lahayd.

“Ma doonayo in ay Arsenal ku guulaysato horyaalka premier League”ayuu Kyle Walker yidhi.

“Sababta oo ah way igu adagtahay in aan arko arintaas sabab la xidhiidha Tottenham”ayuu sii raaciyay.

2 Comments

Dhiibo Fikirkaaga