Dean Huijsen ayaa la sheegay in uu caddeeyey dookhiisa ku aaddan kooxda uu ku biirayo iyada oo uu xiiso ka helaya kooxaha Liverpool, Chelsea, Arsenal iyo Liverpool.
Huijsen, oo 20 jir ah, waa mid ka mid ah daafacyada dhexe ee ugu fiican England, isagoo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli cigaareedkan.
Sare u kaciisa si wanaagsan ayaa loo diiwaan galiyay, iyadoo hadda loo maleynayo in ugu yaraan sideed kooxood oo Yurub ah ay doonayaan inay la soo saxiixdaan xiddiga.
Chelsea, Liverpool, Arsenal, Newcastle United iyo Manchester United ayaa dhamaantood lala xiriirinayay inay xiiseynayaan ciyaaryahankii hore ee Juventus, kaasoo dhaliyay seddex gool oo cajiib ah xilli ciyaareedkan.
Sida laga soo xigtay Simon Phillips, Huijsen ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Chelsea marka la eego in uu boos joogto ah ka helayo kooxda.
Be the first to comment