Alan Shearer Oo Saadaaliyay Kulamada Premier League Todobaadkan.

Alan Shearer ayaa saadaaliyay qaar ka mid ah kulamada toddobaadka 36-aad ee Premier League.

Kulanka ugu weyn toddobaadka ayaa noqon doona marka Chelsea ay u safarto Liverpool, iyagoo doonaya inay sii nooleeyaan rajadooda yar ee u soo bixista UEFA Champions League.

Tartanka horyaalka, Manchester City ayaa gurigeeda ku martigelin doonta Brentford Sabtida, halka Arsenal ay Axadda marti ugu noqon doonto West Ham United.

Shearer ayaa BetFair u sheegay:

“Liverpool vs Chelsea – Saadaashaydu: Liverpool ayaa badin doonta.”

“Sunderland vs Manchester United – Saadaashaydu: Barbaro.”

“Manchester City vs Brentford – Saadaashaydu: Manchester City ayaa badin doonta.”

“West Ham vs Arsenal – Saadaashaydu: Arsenal ayaa badin doonta.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga