Alain Giresse Oo Magacaabay Xulka Africa Ee Gaadhi Kara Semi-Final-ka Koobka Adduunka.

Tababarihii hore ee xulka Senegal, Alain Giresse, ayaa sheegay inuu rumaysan yahay in Senegal ay gaadhi karto ugu yaraan wareegga afar-dhamaadka (semi-finalka) ee Koobka Adduunka 2026.

Koobkii Adduunka ee 2022 ee lagu qabtay Qatar, xulka Morocco ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee Afrika ka socda ee gaadha semi-finalka tartanka.

Wareysi uu siiyay Wiw Sport, Giresse ayaa sheegay in “Libaaxyada Teranga” (xulka Senegal) ay leeyihiin awood ay ku gaadhi karaan heerkaas.

Wuxuu yiri:

“Waxaan aaminsanahay in maalin uun dal Afrikaan ah uu ciyaari doono finalka Koobka Adduunka. Haddii aan ka hadlayno Senegal, waxay leedahay awood ay ugu yaraan ku gaadhi karto semi-finalka”

“Dabcan, waxaan ognahay in waxyaabo lama filaan ah ay ka dhici karaan ciyaaraha, laakiin marka la eego tayada iyo awoodda kooxda, fursaddu way jirtaa. Waxaan aragnaa in xulalka Afrika ay si isa soo taraysa u muujinayaan heer ku dhow kan xulalka ugu sarreeya dunida.”

Senegal waxay ku jirtaa Group I, waxaana kooxda kula jira xulalka Norway, Iraq iyo France.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga