Go’aanka lama filaanka ah ee JJ Gabriel uu ku doonayo inuu uga tago Manchester United ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay dhowr arrimood, iyadoo warbixin cusub ay faahfaahin ka bixisay sababaha keenay inuu 15-jirkan codsado inuu si degdeg ah uga baxo kooxda, Gabriel ayaa muddo dheer loo arkayay mid ka mid ah xiddigaha ugu waaweyn ee mustaqbalka Manchester United, waxaana kooxdu dadaal badan gelisay sidii ay uga hor istaagi lahayd inuu ku biiro Manchester City, Laakiin sida ay wararku sheegayaan, ciyaaryahanka ayaa hadda si rasmi ah u codsaday in la joojiyo diiwaangelintiisa Manchester United, isagoo doonaya inuu mustaqbalkiisa meel kale ka sii wato.
1️⃣ FURSADO CIYAAREED OO YAR
Sababta ugu weyn ee la sheegay ayaa ah in Gabriel uusan helin fursad ku filan oo uu ku muujiyo awooddiisa, Inkasta oo Manchester United ay hore u siisay dareen ah in bandhigyada wanaagsan lagu abaalmarin doono dallacsiin, haddana Gabriel iyo qoyskiisa ayaa dareemay in kooxda aysan si cad u muujin heerka ay dhab ahaan u qiimeyso ciyaaryahanka.
Warbixintu waxay sheegaysaa in haddii Gabriel lagu dari lahaa kursiga keydka kulankii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedka guriga, ay taasi u diri lahayd fariin ah inuu ku dhow yahay kooxda koowaad.
Taasina waxay sii xoojin lahayd rajadiisa ah inuu mustaqbalka dhow Premier League uga soo muuqdo Manchester United.
2️⃣ XIISAHA KA IMANAYA KOOXO WAWEYN
Sababta labaad ayaa ah in Gabriel uu hadda xiiso ka helayo qaar kamid ah kooxaha ugu waaweyn Yurub, Wariyaha caanka ah Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in kooxo badan oo waaweyn ay doonayaan ciyaaryahanka 15-jirka ah, Romano ayaa sheegay in Gabriel uu si rasmi ah u codsaday inuu ka tago Manchester United, isla markaana kooxdu ay weli rajaynayso inay beddesho go’aankiisa, balse dhinaca ciyaaryahanka uu si xooggan ugu riixayo bixitaanka, Taasi waxay Gabriel iyo qoyskiisa siisay fursad ay ku qiimeeyaan dalabyo kale oo ka imanaya gudaha England iyo Yurub.
3️⃣ XIRIIRKA QOYSKA IYO MAN UNITED OO XUMAADAY
Sababta saddexaad ayaa la xiriirta xiriirka u dhexeeya Manchester United iyo aabbaha Gabriel, Joe O’Cearuill, Warar kala duwan ayaa sheegaya in xiriirka labada dhinac uu xumaaday, iyadoo warbaahin Ingiriis ah ay tilmaantay in aabbaha ciyaaryahanka uu noqday qof adag in lala macaamilo, Xaaladdan ayaa la sheegay inay sii kordhisay khilaafka ku saabsan mustaqbalka Gabriel.
Arrinta ugu yaabka badan ayaa ah in wicitaan uu sameeyay tababaraha Manchester United, Michael Carrick, loo arko inuu noqday waxa ugu dambeeyay ee Gabriel iyo kooxdiisa ku riixay go’aanka bixitaanka, Kulankii Manchester United ay la ciyaartay Sabah ee Champions League ayaa fursad loo arkayay in ciyaaryahanka da’da yar lagu siiyo fursad uu ku muujiyo awooddiisa, Laakiin daqiiqaddii 70-aad, Carrick wuxuu garoonka soo geliyay ciyaartoyda 19-jirka ah Shea Lacey iyo Harry Amass.
Warbixintu waxay sheegaysaa in go’aankaas uu noqday “straw that broke the camel’s back”, taas oo micnaheedu yahay in uu ahaa dhacdadii ugu dambeysay ee ka dhigtay dhinaca Gabriel inay go’aansadaan inuu baxo, Waxaa intaas dheer, Gabriel ayaa la sheegay inuu ku jiray qorshaha Manchester United ee kulanka Carabao Cup ee ay la ciyaarayaan Brighton, balse weli lama oga haddii go’aanka uu qaatay uu meesha ka saari doono fursaddaas.
Manchester United ayaa hadda isku dayaysa inay qanciso ciyaaryahanka oo ay ka dhaadhiciso inuu sii joogo Old Trafford, laakiin haddii Gabriel uu ku adkaysto go’aankiisa, kooxda ayaa wajahaysa khatar ah inay lumiso 15-jir loo saadaalinayay inuu mustaqbalka noqdo xiddig weyn.
Be the first to comment