Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in garoonka Spotify Camp Nou uu martigelin doono final-ka UEFA Champions League ee xilli ciyaareedka 2028/2029, kaasoo la ciyaari doono sanadka 2029.
Go’aankan ayaa waxaa gaaray Guddiga Fulinta ee UEFA, kadib markii ay doorteen Camp Nou inuu noqdo goobta lagu qabanayo kulanka ugu dambeeya ee tartanka ugu weyn kooxaha Yurub.
Final-ka Champions League 2029 ayaa noqon doona munaasabaddii ugu weyneyd ee kubadda cagta Yurub ee lagu qabto Camp Nou kadib dib-u-dhiska garoonka Barcelona.
Warbixinnada ayaa tilmaamaya in garoonka markaas uu diyaar u noqon doono inuu dunida tuso muuqaalkiisa cusub iyo awooddiisa cusub, iyadoo la filayo inuu noqdo mid ka mid ah garoomada ugu waaweyn Yurub, Waxaa la qorsheynayaa in dabaqa saddexaad ee kuraasta iyo qeybaha loogu talagalay VIP-da la dhameystiro inta lagu jiro xilli ciyaareedkan, Tallaabada ugu weyn ee xigta ayaa la filayaa inay dhacdo xagaaga 2027, markaas oo la rakibi doono saqafka cusub ee garoonka.
Rakibidda saqafka ayaa loo arkaa mid ka mid ah shaqooyinka ugu adag ee mashruuca dib-u-dhiska, waxaana taasi keeni karta in Barcelona ay qaar ka mid ah kulamadeeda xilli ciyaareedka soo socda ku ciyaarto garoonka Olympic-ga Montjuïc.
UEFA sidoo kale waxay xaqiijisay in Allianz Arena, garoonka Bayern Munich, loo doortay inuu martigeliyo final-ka Champions League ee xilli ciyaareedka 2027/2028, Sidaas darteed, 2028 Allianz Arena, halka 2029 Camp Nou uu noqon doono masraxa final-ka ugu weyn ee Champions League, Final-ka 2029 wuxuu Barcelona siinayaa fursad weyn oo ay dunida ugu soo bandhigto Camp Nou-ga cusub, iyadoo garoonka kooxdu leedahay uu martigelin doono mid ka mid ah dhacdooyinka ugu muhiimsan kubadda cagta caalamka.
Be the first to comment