Hansi Flick Macalinka Barcelona oo kahadlay Cida uqalanka Ballon diorka sanadkan 2026 ?

Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa si weyn u amaanay xiddiga da’da yar ee Lamine Yamal, isagoo sheegay in ciyaaryahanka reer Spain uu u qalmo inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or, Flick ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka hadlayay kulanka Barcelona ay la ciyaari doonto Racing Santander ee horyaalka La Liga, isagoo sidoo kale ka hadlay hamiga kooxda ee ku aaddan ku guuleysiga Champions League.

Markii la weydiiyay cidda uu u arko inay u qalanto Ballon d’Or, Flick wuxuu diiradda saaray Lamine Yamal, isagoo sheegay in uusan doonayn inuu ka hadlo ciyaartoy kale sida Kylian Mbappé:- “Lamine waa ciyaaryahan daacad ah, kalsooni badan leh, waxaana uu garoonka dhexdiisa ku muujinayaa shakhsiyaddiisa,” ayuu yiri Flick.

Tababaraha Barcelona ayaa intaas ku daray in Yamal uu mar kasta la yaab ku abuuro kooxda marka uu wajahayo daafacyada, gaar ahaan marka uu galo dagaallada fool-ka-foolka ah ee one-on-one.

Flick ayaa si toos ah looga weydiiyay haddii Lamine Yamal uu u qalmo Ballon d’Or, wuxuuna ku jawaabay: “Haa, wuu u qalmaa.”

Wuxuu sidoo kale xusay guulihii uu Yamal la gaaray kooxdiisa iyo xulkiisa, isagoo tilmaamay inuu qaaday koobab waaweyn, inkastoo uu qiray in tartanka Ballon d’Or uu yahay mid adag, maadaama ay jiraan ciyaartoy badan oo heer sare ah, Flick ayaa sidoo kale taageeray fikradda ah in Barcelona ay sameyso olole lagu taageerayo Yamal si uu ugu guuleysto abaalmarinta, isagoo sheegay in tani ay tahay wax dabiici ah maadaama uu yahay ciyaaryahan Barcelona ah.

Dhanka kale, Flick wuxuu sheegay in riyada ugu weyn ee Barcelona ay tahay ku guuleysiga Champions League, Tababaraha Jarmalka ayaa sheegay in haddii finalka Champions League ee 2029 lagu qabto Camp Nou, uu jeclaan lahaa inuu halkaas joogo, isagoo xusay inuu 100% ka qeyb geli doono, haddii uu tababare ahaan joogo ama taageere ahaan.

Flick ayaa sidoo kale ka hadlay Gavi, isagoo sheegay in ciyaaryahanku muhiim u yahay kooxda, balse ay tahay in si wanaagsan loo maareeyo daqiiqadaha uu ciyaarayo kadib markii uu kasoo kabtay dhaawac, Sidoo kale, tababaraha ayaa sheegay in Alejandro Balde uu u baahan yahay inuu dib ugu soo laabto heerkiisii ugu fiicnaa, maadaama uu hadda tartan adag kala kulmayo ciyaartoyda kale ee booskiisa.

Barcelona ayaa kulanka Racing Santander u geli doonta iyadoo dooneysa inay sii dheereysato taxanaha guulaha, balse Flick wuxuu sheegay inuusan diiradda saarin jebinta rikoodhka, balse uu doonayo in kooxdu ay hal kulan mar u wajahdo, Fariinta ugu weyn ee Flick ayaa ah in Barcelona ay leedahay hammi weyn oo Champions League ah, halka Lamine Yamal uu hadda helayo taageero buuxda oo uga timid tababarihiisa, iyadoo Flick uu si cad u sheegay in xiddiga da’da yar uu leeyahay awood uu ugu tartami karo Ballon d’Or.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga