KASHIFAAD:- Mbappe oo si dirqi ah uga bad baaday afduub & tuhunsanaha oo Police -ka gacanta …

War naxdin leh ayaa kasoo baxay Faransiiska, kadib markii booliisku xireen wiil 18 jir ah oo lagu tuhunsan yahay inuu qeyb ka ahaa qorshe lagu afduubanayay dad caan ah oo maalqabeenno ah, waxaana liiska dadka la beegsanayay ku jiray xiddiga Real Madrid Kylian Mbappé.

Sida ay shaacisay Le Parisien, tuhmanaha oo lagu magacaabo Clément L., ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta dhac kooxeed oo abaabulan,  Baarayaasha ayaa rumeysan inuu door hoggaamineed ku lahaa koox lala xiriirinayo weerarro guryo iyo qorshayaal afduub oo la diyaariyay ama dhacay intii u dhexeysay 11-kii Abriil iyo 19-kii Agoosto 2026.

Baaritaanka ayaa lagu ogaaday liis ay ku jireen 26 qof, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen ciyaartoy kubadda cagta ah, fannaaniin iyo ganacsato maalqabeenno ah, Kylian Mbappé ayaa ka mid ahaa dadka liiska ku jiray, iyadoo kooxda lagu tuhunsan yahay inay qorsheynaysay inay weerarto ama afduubto dadkaas.

Wararka baaritaanka ayaa sheegaya in Clément L. uu xitaa amarro siinayay kooxdiisa isagoo xabsi ku jiray, Booliiska ayaa xog muhiim ah ka helay taleefankiisa, taasoo gacan ka geysatay in la ogaado liiska dadka la beegsanayay, tuhmanaha ayaa hadda ku jira xabsi ku-meel-gaar ah i, halka qof kale oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa qorshaha lagu sii daayay kormeer garsoor. Baaritaanka ayaa weli socda si loo ogaado doorka saxda ah ee qof kasta.

Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli Mbappé uu si weyn uga dhex muuqanayo Real Madrid, waxaana hadda magaciisa lagu xusay arrin aan wax xiriir ah la lahayn kubadda cagta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga