Halyeygii Man utd Rio Ferdinand oo si cajiib ah uga falceliyey lawareegista Man utd Carlos Baleba …….

Halyeeyga Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa ka hadlay suuqa kala iibsiga xagaaga ee kooxdiisii hore, gaar ahaan saxiixa Carlos Baleba, wuxuuna sidoo kale shaaca ka qaaday sababta United ay ugu dambeyn uga baaqatay inay la soo wareegto xiddiga Manchester City ee Elliot Anderson.

Manchester United ayaa xagaagan xoogga saartay dib u dhiska khadka dhexe, iyadoo kooxda ay la soo wareegtay Carlos Baleba, Youri Tielemans iyo Andrey Santos, Rio Ferdinand ayaa aaminsan in Manchester United ay si dhab ah u dooneysay Elliot Anderson, balse qiimaha ciyaaryahanka ayaa kooxda ku qasbay inay ka laabato.

Ferdinand wuxuu sheegay: “Shaki igama jiro in Manchester United ay doonaysay Anderson, laakiin waxaa jiray xadi ay awood u lahaayeen inay bixiyaan(lacagta).”, wuxuu intaas ku daray in United aysan ciyaaryahanka u diidin sababo la xiriira tayadiisa, balse aysan doonayn inay miisaaniyaddeeda oo dhan ku bixiso hal ciyaaryahan.

Manchester City ayaa awoodday inay bixiso qiimaha sare ee Anderson, halka United ay dooratay inay lacagta u qaybiso dhowr ciyaaryahan, Ferdinand ayaa sidoo kale amaan u jeediyay saxiixa Carlos Baleba, kaasoo Manchester United ay ugu dambeyn ku soo qaadatay ku dhawaad £70 milyan, United ayaa Baleba horay u doonaysay xagaagii 2025, balse markaas Brighton waxay ciyaaryahanka ku qiimeysay ku dhawaad £100 milyan.

Ferdinand wuxuu aaminsan yahay in United ay hadda ku guuleysatay inay hesho ciyaaryahan leh awood uu mustaqbalka ku noqon karo xiddig £100 milyan ah,  Wuxuu yiri “Laba xilli ciyaareed ka hor waxaa loo arkayay ciyaaryahan £100 milyan ah, taasina ma dhacdo sabab la’aan.”

Ferdinand ayaa sidoo kale tilmaamay in Manchester United ay u baahneyd ciyaartoy badan oo khadka dhexe ah, gaar ahaan maadaama kooxda ay xilli ciyaareedkan ka qeybgalayso Champions League, sida uu qabo Ferdinand, Baleba iyo Andrey Santos labaduba waxay leeyihiin kartida mustaqbalka, iyadoo ay horey u leeyihiin khibrad Premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga