Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona, Gavi, ayaa wajahaya shaki ku saabsan ka qeybgalka kulanka ay kooxda Catalan la ciyaari doonto Valencia Axadda soo socota, kulan ka tirsan toddobaadka 4-aad ee La Liga, sida ay qortay wargeyska Sport, Gavi ayaa Khamiista ku laaban doona tababarka garoonka, waxaana markii dambe loo qorsheeyay inuu si tartiib ah ugu biiro tababarka kooxda.
Gavi ayaa dhaawac iyo daal ka dareemay lugta midig kadib jug xooggan oo uu qaatay kulankii Elche, Shaqaalaha caafimaadka Barcelona ayaa go’aansaday in laga saaro ciyaarta si looga hortago in xaaladdiisu kasii darto.
Tababare Hansi Flick ayaan doonayn inuu ku degdego soo celinta Gavi, iyadoo kooxda caafimaadka iyo farsamadu ay si gaar ah uga taxaddarayaan xaaladdiisa, ilaa hadda, Gavi lama xaqiijin inuu ciyaari doono kulanka Valencia, Go’aanka kama dambaysta ah waxaa lagu salayn doonaa sida uu uga soo kabsado dhaawaca iyo tababarrada uu qaato maalmaha soo socda.
Barcelona ayaa Axadda booqan doonta Valencia garoonka Mestalla, iyadoo doonaysa inay sii waddo bilowgeeda wanaagsan ee xilli ciyaareedka 2026/27.
Be the first to comment