Mateo Kovačić oo afka furtay kana wararka sheegaya bixitaankiisa …………….

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester City, Mateo Kovačić, ayaa si cad uga hadlay wararka la xiriirinaya inuu kooxda ka tagayo xagaagan, isagoo sheegay in maamulka City ay u xaqiijiyeen inay wali ku kalsoon yihiin.

Warar badan ayaa sheegaya in kooxaha Talyaaniga ee Juventus iyo Inter Milan ay doonayaan inay dib ugu celiyaan Serie A, iyadoo Kovačić uu galay sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Etihad Stadium:- “Waxay ii sheegeen inay igu kalsoon yihiin”

Kovačić ayaa sheegay inuusan waligiis dareemin in kooxda ay dooneyso inay iska fasaxdo.

“Ma aanan dareemin wax shaki ah oo ay iga qabaan, Waan la hadlay, waxayna ii sheegeen inay igu kalsoon yihiin, Taasi waxay ahayd wax muhiim ii ahaa inaan maqlo.”

Wuxuu intaas ku daray: “Ciyaaryahanka waxaa saaran waajibka inuu muujiyo heerkiisa ugu wanaagsan, haddii aad si fiican u ciyaarto, tababaruhu adiga ayuu ku dooranayaa.”

Tababaraha cusub ee Manchester City Enzo Maresca ayaan si cad u xaqiijin in Kovačić uu sii joogi doono, balse wuxuu sheegay:

“Mateo waa ciyaaryahankeena,  inta uu nala joogo waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan ku caawin karo. Haddii uu joogo waan ku faraxsanahay, waanan sii wada shaqeyn doonaa.”

Kovačić ayaa laga yaabaa inuu helo door weyn bilowga xilli ciyaareedka cusub, maadaama Rodri uu dhaawac dhabarka ah maray, islamarkaana la filayo inuu seego qeybta hore ee xilli ciyaareedka.

Kovačić ayaa yiri: “Waxaan la ciyaaray Rodri, sidoo kalena waan ciyaaray isaga la’aantiis, haddii uusan hadda joogin, waan buuxin karaa booskiisa, laakiin waan sugi doonaa ilaa uu soo laabto.”

Kovačić ayaa sidoo kale soo dhaweeyay saxiixa cusub ee Elliott Anderson, oo Manchester City uga yimid Nottingham Forest lacag dhan £116 milyan, wuxuu sheegay: “Anderson wuxuu kooxda u keeni doonaa tayo badan iyo awood jireed,  wuxuu si fiican ugu shaqeeyaa kubadda iyo la’aanteedba, Weli waa da’yar, wuxuuna fursad weyn u leeyahay inuu sii horumaro, waa saxiix aad u wanaagsan.”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga