Koobka Adduunka 2026 ayaa galay wareegga 32-ka, iyadoo kulamadu ay si rasmi ah u billowdeen Axaddii. Dalka martigelinaya ee Kanada ayaa noqday kooxdii ugu horreysay ee u gudubta wareegga 16-ka kadib markii ay 1-0 ku garaacday Koonfur Afrika.
Gool uu daqiiqadihii dheeriga ahaa dhaliyay Stephen Eustaquio ayaa Kanada siiyay guusha iyo u soo bixitaanka wareegga xiga.
Brazil ayaa Isniintii ka adkaatay Japan, halka Paraguay ay tartanka ka reebtay Jarmalka.
Saacadihii hore ee Salaasadii , Morocco ayaa rigoorayaal ku reebtay Netherlands, iyadoo u gudubtay wareegga 16-ka.
Warbixintan waxan ku soo bandhigaynaa kulamada lama filaanka laga filan karo kadib lama filaanadii dhacay kulamada ilaa haatan la ciyaarya wareega 32-ka.
Belgium vs Senegal
Kulankan ayaa dhici doona Arbacada
Belgium ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxday Group G iyadoo heshay shan dhibcood kadib hal guul iyo laba barbaro.
Senegal ayaa iyaduna u soo baxday wareegga 32-ka iyadoo ka mid noqotay kooxihii kaalinta saddexaad ugu fiicnaa, kadib hal guul iyo laba guuldarro.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda Teranga Lions ayaa awood u leh inay Belgium ku reebto wareeggan.
Portugal vs Croatia
Kulankan ayaa dhici doona habeenka Jimcaha ee saqda dhexe magaalada Toronto ee Kanada.
Croatia waxay kaalinta labaad kaga soo baxday Group L iyadoo leh lix dhibcood (laba guul iyo hal guuldarro), halka Portugal ay kaalinta labaad kaga soo baxday Group K kadib hal guul iyo laba barbaro.
Kulankan wuxuu noqon karaa kii ugu dambeeyay ee Koobka Adduunka ay ka ciyaaraan halyeeyada kubadda cagta Cristiano Ronaldo iyo Luka Modric, maadaama labaduba ay ku jiraan afartamaadkooda, isla markaana la rumeysan yahay in tartankan uu noqon doono kii ugu dambeeyay ee ay ka qayb galaan.
Warqadda, Portugal ayaa u muuqata kooxda ugu cadcad maadaama aysan weli wax guuldarro ah la kulmin, balse Luka Modric ayaa hoggaamin kara Croatia si ay u garaacdo kooxda uu tababaro Roberto Martinez.
Switzerland vs Algeria
Kulankan ayaa Jimcaha subax ka dhici doona Vancouver.
Switzerland ayaa hoggaamisay Group B iyadoo heshay toddoba dhibcood, halka Algeria ay kaalinta saddexaad kaga dhamaysatay Group J iyadoo leh afar dhibcood, guuldarradeedana ay ka timid Argentina.
Si kastaba ha ahaatee, Algeria ayaa awood u leh inay lama filaan ku noqoto Switzerland oo aan weli laga badin tartankan.
Ivory Coast vs Norway
Kulankan ayaa Talaadada saacadda 6:00 fiidnimo ka dhici doona Arlington.
Labada kooxoodba waxay kaalinta labaad kaga soo baxeen guruubyadooda iyagoo leh lix dhibcood.
Hase yeeshee, Ivory Coast ayaa rajaynaysa inay Norway ka adkaato si ay ugu gudubto wareegga 16-ka.
Australia vs Egypt
Kulankan ayaa Jimcaha habeen ka dhici doona Arlington.
Australia waxay Group D ku dhamaysatay afar dhibcood, halka Masar ay shan dhibcood ku soo baxday.
Masar ayaa weli aan laga badin tartankan, waxaana la filayaa inay sii wadato rikoodhkeeda wanaagsan iyadoo ka adkaan karta Australia una gudbi karta wareegga 16-ka.
Be the first to comment