WAR CUSUB: Mourinho qorshe cusub udiyaarsaday Bernardo Sidee ayuu ugu garaaci kara Barce

José Mourinho ayaa qorsheynaya in Bernardo Silva uu ka ciyaaro khadka dhexe ee Real Madrid, isagoo garab ka noqonaya Aurélien Tchouaméni.

Sida ay sheegtay Diario AS, Mourinho wuxuu aaminsan yahay in Bernardo uu leeyahay tayada iyo farsamada uu ku dhisi karo ciyaarta Real Madrid, gaar ahaan marka kooxda ay kubadda kasoo bilaabayso qeybta dambe.

Tchouaméni wuxuu qaadan karaa doorka difaaca iyo ilaalinta khadka dhexe, halka bernardo Silva uu noqon karo ciyaaryahanka kubadda horay u dhaqaajiya, baasaska isku xira iyo ciyaarta dhisa.

Mourinho wuxuu doonayaa in tayada Bernardo looga faa’iideysto meel ka qoto dheer booskiisa weerarka.
Qorshahan wuxuu beddeli karaa qaabka Real Madrid u ciyaarto xilli ciyaareedka cusub.

Falanqayn: Bernardo Silva farsamo ahaan wuu ku habboon yahay dhisidda ciyaarta, laakiin ma aha Rodri oo kale. Haddii Mourinho uu doonayo inuu Bernardo ka ciyaarsiiyo meel hoose, Tchouaméni waa inuu si weyn uga shaqeeyaa daboolidda difaaca.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga