Koobka Adduunka 2026 si wanaagsan ayuu u socdaa ilaa hadda, waxaana u muuqata in ku dhowaad qof walba uu ku faraxsan yahay tartanka – marka laga reebo dadka aan loo oggolaan inay ka qayb galaan.
Koobkan Adduunka ayaa ka badan kuwii hore xaddiday dadka ka qayb geli kara, ha ahaadeen ciyaartoy, shaqaale ama taageerayaal.
Warbixintan waxan ku soo bandhigi doonaa dad badan oo loo diiday ka qayb galka tartanka.
Thomas Partey
12-kii June, ciyaaryahanka Ghana ee Thomas Partey ayaa loo diiday inuu galo Canada, taasoo sababtay inuu ka maqnaado kulankii furitaanka Ghana ay la ciyaartay Panama ee Toronto.
Wuxuu racfaan ka qaatay go’aankaas balse waa la diiday.
Sababta loo diiday waxay la xiriirtay kiis maxkamadeed oo wali socda. Mareykanka ayaa u oggolaaday inuu galo dalka maadaama aan weli lagu xukumin wax dambi ah. Laakiin Canada waxay sheegtay inuu been ka sheegay codsigiisa fiisaha markii la weydiiyay inuu waligiis lagu soo oogay dacwad ciqaabeed, isagoo ku jawaabay “maya”. Markii arrintaas la ogaaday, Canada way diiday gelitaankiisa.
Breel Embolo
Weeraryahanka Switzerland ee Breel Embolo ayaa markii hore loo diiday inuu galo Mareykanka sababo la xiriira xukun uu helay sanadkii 2023 oo ku saabsan hanjabaado.
Inkasta oo ganaaxkiisu ahaa mid hakad ku jiray, Mareykanka ayaa arrintaas u adeegsaday inuu diido gelitaankiisa. Si kastaba ha ahaatee, markii dambe waa loo oggolaaday inuu galo dalka.
Embolo wuxuu noqday xiddig muhiim u ah Switzerland, isagoo dhaliyay goolkii ugu horreeyay ee dalkiisa tartanka isla markaana caawiyay gool kale kulankii xigay.
Omar Artan
Garsooraha Soomaaliyeed Omar Artan ayaa sidoo kale laga mamnuucay inuu galo Mareykanka.
Garsooraha 34-jirka ah ayaa loo xushay Koobka Adduunka, wuxuuna 6-dii Juun ka duulay Istanbul kuna socday Miami si uu uga qayb galo tababar garsoorayaasha loo qabanayay.
Inkasta oo uu watay fiiso iyo baasaboor diblomaasiyadeed, saraakiisha socdaalka Mareykanka ayaa ka hor istaagay inuu dalka galo.
Sida ay sheegeen hay’adaha xuduudaha Mareykanka, waxaa jiray walaacyo dhinaca baaritaanka amniga ah, waxaana dib loogu celiyay Istanbul kadib wareysi socdaal oo qaatay 11 saacadood.
Warar dambe ayaa sheegay in lagu tuhmay xiriir uu la lahaa xubno looga shakisan yahay ururo argagixiso, inkasta oo arrintaas si rasmi ah loo xaqiijin.
Maadaama FIFA ay ku qasabtay dhammaan garsoorayaasha inay ka qayb galaan diyaar-garowga Mareykanka lagu qabanayo, Artan ma awoodin inuu ka shaqeeyo ciyaaraha Canada ama Mexico.
Si kastaba, FIFA waxay siisay dhammaan lacagtii uu heli lahaa.
Kadib dhacdadan, UEFA waxay u magacawday inuu dhex dhexaadiyo kulanka Super Cup-ka ee PSG iyo Aston Villa ee Austria, taasoo ka dhigaysa Afrikaan kii ugu horreeyay ee garsoora kulan UEFA ah.
Mehdi Taj
Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Iran Mehdi Taj ayaa sidoo kale laga mamnuucay Mareykanka tan iyo sanadkii hore.
Wuxuu qorsheynayay inuu ka qayb galo isku aadka Koobka Adduunka ee Diseembar 2025 balse waa loo diiday fiisaha.
Bilihii xigay sidoo kale Canada ayaa ka mamnuucday inuu galo dalka markii uu u socday shir FIFA ay ku lahayd Vancouver, iyadoo lagu sababeeyay xiriir la sheegay inuu la leeyahay IRGC.
Xulka Iran
Warbixinno ayaa sheegay in xubno ka tirsan shaqaalaha xulka Iran loo diiday gelitaanka Mareykanka.
Bilowgii, xitaa ciyaartoyda ayaa la kulmay caqabado, waxaana xulka Iran lagu martigeliyay Mexico inkasta oo kulamadoodu Mareykanka ka dhici lahaayeen.
Markii dambe waa loo oggolaaday inay galaan Mareykanka, balse waxaa lagu soo rogay xayiraado adag. Waxaa looga baahnaa inay yimaadaan maalinta ciyaarta oo keliya isla markaana si degdeg ah uga baxaan dalka marka kulanku dhammaado.
Elye Wahi
Weeraryahanka Côte d’Ivoire Elye Wahi ayaa markii hore loo diiday inuu galo Canada.
Sababta ayaa ahayd in horaantii sanadkan la xiray kadib eedeymo ku saabsan musuqmaasuq ciyaareed.
Si kastaba ha ahaatee, xiriirka kubadda cagta Côte d’Ivoire ayaa qaaday tallaabooyin, ugu dambayna waxaa loo oggolaaday inuu galo Canada oo uu ciyaaro.
Xulka Ciraaq
Soo laabashada Iraq ee Koobka Adduunka kadib 40 sano ma aysan noqon mid sahlan.
Wakiillo badan oo Ciraaqi ah ayaa la kulmay dhibaatooyin dhinaca fiisaha ah.
Sawirqaadaha xulka, Talah Salah, ayaa lagu hayay garoonka diyaaradaha muddo 10 saacadood ah, waxaana si qoto dheer loo baaray alaabtiisa iyo taleefankiisa ka hor inta aan gebi ahaanba loo diidin gelitaanka.
Weeraryahanka Aymen Hussein ayaa isna lagu hayay muddo 7 saacadood ah ka hor inta aan loo oggolaan gelitaanka dalka.
Woodensky Pierre
Ciyaaryahanka Haiti Woodensky Pierre laguma diidin fiisaha, laakiin fiisihiisa ayaa dib u dhacay si aad ah, taasoo keentay inuu seego kulankii diyaar-garowga ee New Zealand.
Taageerayaasha
Xayiraadaha fiisaha iyo socdaalka ayaa sidoo kale saameeyay taageerayaasha dalal ay ka mid yihiin:
- Iran
- Senegal
- Haiti
- Côte d’Ivoire
Taageerayaal badan ayaan awoodin inay u safraan si ay u taageeraan dalalkooda.
Be the first to comment