Atletico Madrid ayaa si cad u sheegtay inaysan iibin doonin xiddiggeeda weerarka ee Julian Alvarez xagaagan, inkastoo ciyaaryahanku uu maanta si fagaare ah u dalbaday inuu kooxda ka tago.
Kooxda reer Madrid ayaa war ay siisay wargeyska AS ku tiri:
“Ma jiro lacag ay Barcelona ku iibsan karto Julian Alvarez. Looma wareejin doono Barcelona.”
Waxay intaas ku dartay:
“Ama waxay bixiyaan lacagta qandaraaska lagu burburin karo ee gaareysa €500 milyan (£431 milyan), ama wax heshiis ah ma jiri doono.”
Hadalkan ayaa muujinaya in Atletico Madrid aysan wax niyad ah u haynin iibinta Alvarez, isla markaana ay doonayso inay sii haysato weeraryahanka reer Argentina, iyadoo Barcelona lagu wargeliyay in jidka keliya ee ay ku heli karto ciyaaryahanka uu yahay bixinta lacagta burburinta qandaraaskiisa oo dhan.
Be the first to comment