DEG DEG BARCELONA oo qarka usaaran lawareegista Rodri & Afduub aan caadi aheyn ayey …….

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester City, Rodri, ayaa markii ugu horreysay muujiyay inuu diyaar u yahay inuu ku biiro Barcelona, isagoo oggolaaday in laga wada hadlo shuruudaha qandaraaskiisa.

Wararka ayaa sheegaya in Rodri uu la hadlay agaasimaha ciyaaraha Barcelona, Deco, iyo tababaraha kooxda, Hansi Flick, isagoo siiyay oggolaansho buuxa (green light) si ay kooxda Catalanka u sii waddo wadaxaajoodyada.

Barcelona ayaa durba diyaarisay dalab rasmi ah oo qandaraas ah, waxaana loo gudbiyay wakiilka Rodri. Sidoo kale, kooxda ayaa xiriir la sameysay Manchester City si ay uga wada hadlaan suurtagalnimada heshiiska.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona waxay weli taxaddar muujinaysaa, maadaama Real Madrid ay sidoo kale xiisaynayso saxiixa Rodri. Go’aanka ugu dambeeya wuxuu ku xirnaan doonaa waxa Rodri si rasmi ah ugu sheego Manchester City.

Haddii heshiiskan uu rumoobo, Rodri wuxuu noqon karaa mid ka mid ah saxiixyada ugu waaweyn ee Barcelona xagaagan, isagoo xoojin doona khadka dhexe ee kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga