Man United Oo Loo Sheegay In Ay Liverpool Ka Afduubato…..

Halyeeygii hore ee Manchester United, Louis Saha, ayaa ku adkaystay in Manchester United ay “afduubato” qorshaha Liverpool  ku doonayso Yan Diomande.

Garabka weerarka ka ciyaara ayaa si weyn loo doonayaa xagaagan, inkastoo RB Leipzig ay doonayso inay sii haysato da’yarkan.

Liverpool ayaa la sheegay inay diyaar u tahay heshiis dhan £86 milyan, balse Saha ayaa ugu baaqay kooxdiisii hore inay tartanka ku soo biirto.

Saha wuxuu u sheegay Casinolyze.co.uk:

“Manchester United waa inay afduubataa xiisaha Liverpool ee Yan Diomande, shaki la’aan. Noocan garabka ah ayaa hadda kubadda cagta xukuma”

“Marka aad leedahay kalsooni iyo fudayd ciyaartaada ah, inaad kubbadda la ordi karto, baas siin karto, jir ahaan xoog badan tahay, isla markaana geesi tahay, waan jeclahay taas. Qaababkaas ciyaareed waa kuwo cajiib ah”

“Aad ayaan ugu faraxsanahay horumarkiisa, sababtoo ah ma sahlana in laga soo bilaabo Mareykanka kadibna aad noqoto xiddig weyn”

“Waxaan u malaynayaa inuu noqon karo xiddig heer sare ah sida Lamine Yamal.”

Saha ayaa aaminsan in Diomande uu leeyahay tayada iyo kartida uu ku noqon karo mid ka mid ah garabyada ugu fiican kubadda cagta adduunka mustaqbalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga