Xulka qaranka England ayaa guul xiiso leh ka gaaray dhiggooda Croatia kadib markii ay ku garaaceen 4-2 kulankii ugu horreeyay ee heerka guruubyada Koobka Adduunka 2026, kaas oo lagu ciyaaray garoonka AT&T Stadium.
England ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 12-aad, markii Harry Kane uu gool ka dhaliyay rigoore. Croatia ayaa barbaraha keentay daqiiqaddii 36-aad, waxaana u dhaliyay Martin Baturina oo kubbad qurux badan ka toogtay meel ka baxsan xerada ganaaxa.
Daqiiqaddii 42-aad, Harry Kane ayaa mar kale shabaqa soo taabtay, isagoo dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta kadib caawin uu ka helay Declan Rice. Si kastaba ha ahaatee, Croatia ayaa markale barbaraha heshay daqiiqaddii 45+6, waxaana goolka u saxiixay Petar Musa.
Bilowgii qeybta labaad, Jude Bellingham ayaa England u dhaliyay goolka saddexaad kadib orod iyo xirfad shaqsiyeed cajiib ah, ka hor inta uusan kubbadda shabaqa dhex dhigin isagoo ku dhex jira xerada ganaaxa.
Daqiiqaddii 85-aad, Marcus Rashford ayaa xaqiijiyay guusha England isagoo dhaliyay goolka afaraad kadib kubbad uu ka helay Bukayo Saka.
Guushan ayaa England siisay 3-dii dhibcood ee ugu horreysay ee tartanka, halka Croatia ay weli dhibco la’aan ku sii hartay bilowga ololahooda Koobka Adduunka 2026.
Be the first to comment