Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa sii waday qorista taariikh cusub, kadib markii uu jebiyay dhowr rikoor intii lagu jiray kulankii Portugal iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ee wareegga koowaad ee guruubyada Koobka Adduunka 2026.
Ronaldo oo jiray 41 sano iyo 132 maalmood ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da weynaa ee kulan Koobka Adduunka ah ku soo bilaaba safka hore. Wuxuu sidaas ku dhaafay dhammaan ciyaartoydii hore uga qayb gashay tartankan. Si kastaba ha ahaatee, halyeeygii Cameroon, Roger Milla, ayaa weli ah ciyaaryahanka ugu da’da weyn ee ka qayb gala Koobka Adduunka, balse isagu wuxuu ku soo galay beddel ahaan mana uusan ku bilaaban kulanka.
Kabtanka Portugal ayaa sidoo kale noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Yurub ah ee ka qayb gala lix koob oo adduun oo kala duwan, isagoo ciyaaray tartamadii 2006, 2010, 2014, 2018, 2022 iyo 2026.
Waxaa intaas dheer, Ronaldo ayaa barbareeyay rikoodhka ciyaaryahanka ugu badan ee ka soo muuqday koobab adduun oo kala duwan, isagoo gaaray 6 tartan, taasoo la mid ah halyeeyga Argentina ee Lionel Messi.
Guushan taariikhiga ah ayaa mar kale muujinaysa sida Ronaldo uu u sii wado jebinta rikoorrada, isaga oo bog cusub ku daraya xirfaddiisa cajiibka ah ee uu la leeyahay xulka Portugal iyo guud ahaan kubadda cagta adduunka.
Be the first to comment