Clinton Morrison, oo hore uga tirsanaa weeraryahannada kooxda Crystal Palace, ayaa uga digay tababaraha xulka England, Thomas Tuchel, in England aysan wax fursad ah u lahayn inay ku guuleysato Koobka Adduunka ee FIFA 2026 haddii weeraryahanka weyn Harry Kane uusan ciyaarin.
Tuchel wuxuu doonayaa inuu soo afjaro sugitaanka 60-ka sano ah ee England ay ku raadineyso koobka adduunka.
Waxaa xusuus mudan in markii ugu dambeysay ee England ku guuleysato Koobka Adduunka ay ahayd sannadkii 1966, taasoo ahayd koobkoodii ugu horreeyay taariikhda tartanka.
Morrison ayaa u sheegay Free Bets:
“Haddii Harry Kane uusan taam ahayn ama uusan diyaar u ahayn ciyaarta, England wax fursad ah uma laha inay ku guuleysato Koobka Adduunka. Taasi waa aragtidayda.”
“Wuxuu xilli ciyaareed cajiib ah la qaatay Bayern Munich. Waa weeraryahan heer sare ah, kabtan aad u wanaagsan, wuxuuna tusaale fiican u yahay kooxda. Isagu waa furaha wax kasta oo England ay rabto inay gaarto.”
Harry Kane ayaa xilli ciyaareedkii hore si heer sare ah ugu ciyaaray Bayern Munich, isagoo ka caawiyay kooxda inay ku guuleysato horyaalka Bundesliga.
Be the first to comment