Sida uu sheegay wargeyska Isbaanishka ee Mundo Deportivo, kooxda Barcelona ayaa dhaqaale ahaan ka faa’iidi doonta heshiiska la filayo in daafaca bidix ee reer Spain, Marc Cucurella, uga wareego Chelsea uguna wareego Real Madrid, heshiis lagu qiyaasay 55 milyan oo euro iyo gunnooyin dheeraad ah.
Cucurella waxa uu lix sano ku qaatay akadeemiyadda Barcelona markii uu u dhexeeyay da’da 14 ilaa 20 jir. Taas ayaana siinaysa Barcelona xuquuq ay ku hesho qayb ka mid ah lacagta heshiiska iyadoo la adeegsanayo nidaamka “Solidarity Mechanism” ee FIFA, kaas oo dhigaya in 5% lacagta heshiiska loo qaybiyo kooxihii ka qayb qaatay horumarinta ciyaaryahanka intii uu u dhexeeyay 12 ilaa 23 jir.
Marka loo eego boqolleyda nidaamkan, Barcelona ayaa la filayaa inay hesho qiyaastii 1.35 milyan oo euro. Lacagtani waxay u dhigantaa 2.5% qiimaha aasaasiga ah ee heshiiska oo lagu sheegay 55 milyan oo euro, waxaana suuragal ah inay korodho haddii gunnooyinka ku xusan heshiiska la dhaqan geliyo.
Barcelona kaliya ma aha kooxda ka faa’iidaysanaysa heshiiskan. Kooxda Espanyol ayaa heli doonta 275,000 euro, Getafe waxay heli doontaa 550,000 euro, halka Brighton & Hove Albion ay heli doonto 275,000 euro, dhammaantoodna iyagoo ka faa’iidaysanaya magdhowga tababarka iyo nidaamka wadaagga ee FIFA.
Marka lagu daro lacagta cusub ee laga filayo heshiiska Cucurella, guud ahaan dakhliga Barcelona ka heshay ciyaaryahankan ayaa gaadhi doona 11.15 milyan oo euro.
Barcelona ayaa hore Cucurella uga iibisay kooxda Eibar lacag dhan 2 milyan oo euro, kadibna dib ugu soo iibsatay 4 milyan oo euro, ka hor inta aanay ugu dambayn uga iibin Getafe 11.8 milyan oo euro. Heshiisyadaas ayay Barcelona ka samaysay faa’iido saafi ah oo dhan 9.8 milyan oo euro, waxaana hadda lagu darayaa lacagta ka soo xaroonaysa nidaamka wadaagga ee wareejinta cusub.
Be the first to comment