Rio Ferdinand Oo Badalay Saadaasha Xulka Ku Guulaysan Kara Koobka Adduunka.

Daaficii hore ee Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa beddelay saadaashiisii ku saabsan Xulka ku guuleysan doonta Koobka Adduunka 2026.

Koobka Adduunka 2026 ayaa maanta oo Khamiis ah furmaya, iyadoo Mexico ay la ciyaari doonto Koonfur Afrika kulanka furitaanka.

Isagoo ka hadlayay barnaamijkiisa YouTube-ka ee Rio Ferdinand Presents, Ferdinand ayaa hadda taageeray Spain inay ku guuleysato koobka, inkastoo uu hore ugu tilmaamay Faransiiska kooxda ugu cadcad tartanka.

Ferdinand ayaa yiri:

“Haddii Didier Deschamps uu si fiican u maareeyo Ousmane Dembélé iyo Kylian Mbappé, Faransiisku wuu ku guuleysan karaa koobka. Mbappé, kulamadaada ugu fiican ee aan arkay waxay ahaayeen markaad bidixda ka ciyaarayso.”

“Bidixda ka ciyaar, gudaha usoo jar oo goolal dhalin. Haddii aad lix gool ka dhaliso tartankan, Dembélé-na uu shan gool keeno, Desire Doué-na uu ka ciyaaro garabka midig halka Michael Olise uu noqdo lambarka 10-aad, markaas ciyaartu way dhammaatay.”

Si kastaba ha ahaatee, markii si toos ah loo weydiiyay kooxda uu u saadaalinayo inay koobka qaadi doonto, Ferdinand wuxuu yiri:

“Haddii Lamine Yamal, Nico Williams iyo Rodri ay dhammaantood taam yihiin, Spain way adag tahay in la garaaco.”

“Maalin kasta waxaan oran jiray Faransiis ayaa qaadaya koobka ilaa maanta.”

Markii la weydiiyay sababta uu u beddelay fikirkiisa, wuxuu ku jawaabay:

“Ma garanayo. Waxaan iska fikiray haddii wiilashaas ay caafimaad qabaan oo taam yihiin, markaas Spain ayaa koobka qaadaysa.”

Sidaas darteed, Rio Ferdinand ayaa hadda Spain u arka kooxda ugu cadcad inay ku guuleysato Koobka Adduunka 2026, isagoo ka hormariyay Faransiiska, halka uu muhiimad gaar ah siiyay saameynta ay yeelan karaan Lamine Yamal, Nico Williams iyo Rodri haddii ay taam noqdaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga