Xulka Mexico Oo Guul Ku Bilowday Koobka Adduunka.

Xulka qaranka Mexico ayaa si guul leh ku furtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay 2-0 kaga adkaadeen xulka Koonfur Afrika kulan dhacay fiidnimadii Khamiista garoonka caanka ah ee Estadio Azteca.

Mexico ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay markii uu gool dhaliyay Julián Quiñones, kaddib qalad difaac oo ay ka faa’iideysteen ciyaartoyda Mexico. Érick Lira ayaa kubadda u dhiibay Quiñones, kaasoo darbo xooggan ku dhaliyay shabaqa isagoo ku jiray xerada ganaaxa.

Daqiiqaddii 50-aad, Koonfur Afrika ayaa lagu ciyaarayay 10 ciyaaryahan kaddib markii casaanka loo taagay Sithole. Intaa ka dib, daqiiqaddii 67-aad, Raúl Jiménez ayaa madax qurux badan ku dhaliyay goolka labaad ee Mexico, isaga oo ka faa’iideystay karoos uu soo dhigay Roberto Alvarado.

Daqiiqaddii 84-aad, VAR-ka ayaa farageliyay ciyaarta kadib markii garsooraha loogu yeeray inuu dib u eego dhacdo kubadda ka baxsanayd, taasoo uu ciyaaryahan Koonfur Afrikaan ahi ku weeraray ciyaaryahan reer Mexico ah. Garsooraha ayaa markaas kaadhka cas siiyay Themba Zwane.

Dhanka kale, daqiiqaddii 90+2, César Montes ayaa isna la siiyay kaadh cas kadib qalad uu ku galay ciyaaryahan Koonfur Afrikaan ah.

Guushan ayaa Mexico u suurtagelisay inay gaarto 3 dhibcood, halka Koonfur Afrika ay weli dhibco la’aan ku harsan tahay tartanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga