Bayern Munich ayaa wada-hadallo la furtay Newcastle United si ay uga wada hadlaan saxiixa Anthony Gordon heshiis lagu qiyaasayo £75 milyan.
Newcastle ayaa diyaar u ah inay dhageysato dalabyada loo soo gudbiyo Gordon oo 25 jir ah, kadib markii ciyaaryahanku doonayo inuu baaro fursadaha uu heli karo suuqa kala iibsiga xagaagan.
Anthony Gordon ayaa doonaya in mustaqbalkiisa la xalliyo ka hor inta aanu bilaaban Koobka Adduunka bisha June.
Arsenal FC ayaa muddo dheer xiisaynaysay Gordon, balse hadda Bayern Munich ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay ee rasmi ah si ay ula soo wareegto ciyaaryahanka reer England.
Wararku waxay sheegayaan in Bayern ay wada-hadallo la furtay Newcastle United, iyadoo heshiiska lagu qiyaasayo £75 milyan.
Sky Sports ayaa warinaysa in Newcastle United ay wada-hadal kula jirto Bayern Munich oo bishii hore ku guuleystay horyaalka Bundesliga isla markaana wali fursad u leh inay Ku guulaystaan Koob kale.
Sidoo kale, Bayern ayaa la sheegay inay xiriir wanaagsan la leedahay madaxda St James’ Park, taasoo ka caawin karta in wada-hadalladu si fudud ku socdaan.
Be the first to comment