5 Xiddig Ee Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Ballon d’Or 2026

Garabka Paris Saint-Germain ee Ousmane Dembele ayaa hadda noqday Xiddiga Ugu cad-cad ee ku guuleysan kara abaalmarinta Ballon d’Or 2026.

Dembele ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan, isagoo PSG ka caawiyay inay gaarto final-ka UEFA Champions League Final halkaas oo ay la ciyaari doonaan Arsenal.

28-jirkan ayaa saddex gool ka dhaliyay Bayern Munich intii lagu jiray semi-final-ka oo PSG ku badisay wadar ahaan 6-5.

PSG sidoo kale waxay ku dhowdahay inay difaacato horyaalka France, taas oo Dembele siin karta inuu ku guuleysto Ballon d’Or laba sano oo xiriir ah.

Iyadoo lagu saleynayo qaab ciyaareedkii ugu dambeeyay iyo saadaasha suuqa betting-ka, Dembele ayaa ka horreeya xiddigo waaweyn iyo da’yar soo baxaya oo Yurub ka ciyaara.

Saaxiibkiisa PSG, Khvicha Kvaratskhelia, ayaa sidoo kale kamid ah favorit-yada ugu cadcad.

Fursadaha Harry Kane ee Bayern Munich ayaa hoos u dhacay kadib markii kooxdiisa laga reebay tartanka, halka Kylian Mbappé ee Real Madrid uu weli tartanka ku jiro.

Shanta ciyaaryahan ee ugu cadcad:

Ousmane Dembele (PSG)

Khvicha Kvaratskhelia (PSG)

Harry Kane (Bayern Munich)

Lamine Yamal (Barcelona)

Kylian Mbappé (Real Madrid)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga