Liverpool Oo Doonaysa In Ay Xoojiso 5 Boos Suuqa Kala Iibsiga Xagaagam

Kooxda Liverpool ayaa la filayaa inay mar kale yeelato xagaaga mashquul badan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, iyadoo la filayo inay jiraan ciyaartoy baxaya iyo kuwo cusub oo imanaya, maadaama ay jiraan tiro yar oo ciyaartoy ah oo si buuxda u hubin kara mustaqbalkooda garoonka Anfield.

Daldaloollada (meelaha daciifka ah) ee kooxda ayaa muddo la ogaa, waxaana Sky Sports ay sheegtay in “labada boos ee daafaca garbaha (full-back), daafaca dhexe (centre-back), khadka dhexe ee difaaca (defensive midfield), iyo weerarka (forward line) dhammaantood la eegayo.”

Goolhaye cusub ayaa sidoo kale suurtagal ah haddii Alisson Becker uu ka tago kooxda, taasoo ka dhigaysa ilaa lix boos oo la doonayo in la xoojiyo!

Arrintani ma ahan wax lala yaabo, iyadoo Andy Robertson uu baxayo, dhaawacyo ka jira daafaca midig, suuragalnimada Ibrahima Konaté inuu ka tago, maqnaanshaha ciyaaryahan khaas ah oo No. 6 ah, iyo baahida loo qabo garbaha weerarka.

Kooxdu waxay maalgelin rikoor ah samaysay xagaagii hore, balse haddii ay rabto inay si dhab ah ugu tartanto dhammaan tartamada, waa in meelaha muhiimka ah la xoojiyo.

Su’aasha weynse waa: ma sii ahaan doonaa suuqa kala iibsiga mid lagu dhisayo aragtida tababaraha Arne Slot?

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga