Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa si jees-jees ah uga hadlay Manchester United kadib markii ay xaqiijiyeen u soo bixitaankooda Champions League-ka xilli ciyaareedka dambe.
Manchester United ayaa 2-1 ku garaacday Liverpool Axaddii lasoo dhaafay, taasoo hubisay inay ugu yaraan ku dhameysan doonaan shanta sare ee Premier League-ga.
Waxay tani ka dhigan tahay in Red Devils ay dib ugu soo laabanayaan tartanka ugu sarreeya Yurub, maadaama aysan sanadkan ka qeybgelin wax tartan Yurub ah.
Guardiola ayaa ku faanay in kooxdiisa City ay horey u xaqiijisay u soo bixitaanka Champions League-ka iyadoo wali dhowr kulan ay harsanaayeen.
Wuxuu yiri:“Waxaan joognaa final-ka FA Cup-ka, sidoo kale waxaan xaqiijinay Champions League-ka afar ama shan kulan ka hor dhammaadka.”
“Eega sida ay Manchester United ugu faraxsan yihiin markii ay kulankii ugu dambeeyay ku xaqiijiyeen u soo bixitaanka.”
“Kulankoodii ugu dambeeyay ma Brentford ayuu ahaa? Maya, wuxuu ahaa Liverpool. Waxay heleen dhibicdii ay u baahnaayeen, marka ugu dambeyn waa imtixaan weyn.”
Be the first to comment