Steven Gerrard Oo Saadaaliyaya Kooxda Ku Guulaysan Doonta Champions League Kadib Lugtii Hore Ee Semi-final.

Halyeygii hore ee Liverpool, Steven Gerrard, ayaa doortay Paris Saint-Germain inay ku guuleysan doonto UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.

PSG ayaa 5-4 kaga adkaatay Bayern Munich kulan xiiso badan oo ahaa lugta hore ee semi-finalka habeenkii Talaadada.

Dhanka kale, Arsenal iyo Atlético Madrid ayaa ciyaaray kulan adag oo ku dhammaaday barbaro 1-1 ah garoonka Metropolitano Stadium.

Kadib guushii PSG ee Bayern, afar jeer ku guuleystaha Champions League, Clarence Seedorf, ayaa sheegay in difaaca adag ee Arsenal uu ka dhigayo kooxda ugu cadcad inay ku guuleysato tartankan xilli ciyaareedkan.

Steven Gerrard, oo ku guuleystay UEFA Champions League sanadkii 2005 isagoo la joogay Liverpool, ayaa aaminsan in Paris Saint-Germain ay ka adkaan doonto Bayern Munich semi-finalka, kadibna ay garaaci doonto midkood Arsenal ama Atlético Madrid si ay ugu guuleysato tartanka xilli ciyaareedkan.

Ciyaarta lugta hore, PSG ayaa 5-4 kaga badisay Bayern, iyadoo Khvicha Kvaratskhelia uu laba gool dhaliyay kulankaas xiisaha lahaa.

Markii la weydiiyay kooxda uu dooranayo inay ku guuleysato Champions League, Gerrard wuxuu yiri:“Tan iyo bilowgii waxaan la jiray PSG. Lacag kuma aanan sharadin, laakiin doorashadaydu waa PSG. Markay heerkeeda ugu fiican joogaan, aad bay u adag tahay in laga adkaado.”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga