Difaacii hore ee Liverpool, Jamie Carragher, ayaa uga digay Arsenal in Fulham ay noqon karto caqabad lama filaan ah tartanka horyaalka Premier League.
Carragher wuxuu falanqeynayay kulamadii usbuucii hore barnaamijka Monday Night Football.
Arsenal ayaa 1–0 kaga adkaatay Newcastle United, taasoo ka dhigtay inay saddex dhibcood ka horeyso Manchester City, oo weli hal kulan u harsan yahay.
Haddii kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ay ka badiso Fulham garoonka Emirates toddobaadkan, waxay gaari doonaan farqi lix dhibcood ah.
Carragher wuxuu yiri:“Waxay u ekaan doontaa Arsenal ama Manchester City in hal barbaro aad dareemi doonto in horyaalku kaa lumay”
“Waxaan u maleynayaa Fulham inay tahay koox aad u fiican, waxaana jirta fursad ay noqon karto caqabadda ugu weyn ee lama filaanka ah ee Arsenal.”
Be the first to comment